Waa qeybtii seddexaad ee aan kaga hadleynay nolosha atiriishada Rani Mukerji hoos kaga bogo qodobada dhiman ee aan ka diyaarinay isuguna jiraan xan iyo xaqiiq wiixii laga qoray bilawgii qarnigaan:

Xiriirkii Vivek Iyo Iyada Ka Dhaxeeyay:

Vivek Oberoi kahor inta uusan Aishwarya Rai la saaxiibin waxuu xiriir la lahaa Rani Mukerji oo ay Saathiya isla sameyeen aad ayee isugu soo dhowaadeen sida la sheegay balse Vivek waxuu Rani ka raacay quruxleydii Aish oo nolosha Salman Khan kasoo baxday waqtiyadaas.

Waxaa la sheegay shuruudaha ay Aish ku xirtay Vivek ine kamid ahed ka fogaanshaha Rani oo si cad ayee ugu amartay inuu ka fogaado Rani xitaa haduu la shaqeynaayo oo uusan u dhowaanin midaasna waxay dhalisay khilaaf ka dhex dhashta Rani iyo Vivek sidaasna ku kaoa tageen.

Dagaalkii Simi Garewal Ay La Gashay:

Simi Garewal waxay ahed gabar suxufiyad ah oo jilayaasha caanka ah Tv-yada ku wareysan jirtay maalin maalmaha kamid ah ayee barnaamijkeda Tv-ga ku casuumtay Rani Mukerji oo xiligaas lagu xaman jiray Aditya Chopra oo ah ninka leh shirkada Yash Raj Filims.

Simi ayaa Rani weydiisay xanta magaalada ka socota ee sheegeysa inee Rani xiriir la leedahay Aditya Chopra dadkana waxay lahaayen atoorayaal qurux badan ayee diiday markaase nin foolxun arooskiisa rabtaa.

Sheekadaas markii Rani la xusuusiyay waxay ilaawday goobta ay joogto halmar ayeena xanaaqday iyadoo careysan oo Simo fiirineysa waxay tiri,”aniga xitaa noloshaada gaarka ah wax badan ayaa ka ogahay ee ma jeceshahay inaan halkaan kaga hadlo arimaha kuu qaaska ah.”

“Waxaad tahay suxufiyad weyn xad kaada hadaa soo gudubto markalena i weydiiso waxyaabahaas oo kale ana waa ballan inaan soo faag faago noloshaada hore dadkana ogeysiiyo.”

Si dhasqi leh ayee Rani meesha kaga dhaqaaqday laakiin inta aysan bixin qoladii farsamada xalqadaas wareysiga qaabil sanaayeen ayee ku amartay inee tirtiraan xalqadaas gabi ahaanba maadama buuq ka dhashtay dadkana daawan karin.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here