Nin Iskudayey Inuu Si Qasab Ah Sawir Selfie Kaga Qaato Taimur Ali Khan Kadib Maxaa Dhacay!!

Taimur Ali Khan waa mid kamid ah caruurta loogu jecelyahay Bollywoodka dhanka baraha bulshada wiilkan yar taageero fara badan ayuu leeyahay waxaana waalidiin u ah xidigaha kala ah Kareena Kapoor Khan iyo Saif Ali Khan.

Taimur maanta waxaa la socotay haweyneyda xanaaneysa ee lagu magacaabo Nanny xili ay sawir qaadayaasha si degen sawiro oga qaadanaayen.

Sawir qaadayaasha iyo Taimur wey is barteen si degen ayee ugu yeeraan magaciisa markuu usoo jeedsadana sawiro ayee ka qaataan jawigaas dagan ayadoo lagu jira ayaa waxaa soo dhex galay nin.

Ninkaaso aanan la aqoonin waxuu iskudayey inuu sawir Selfie ah la galo wiilkan yar balse Nanny oo socotay ayaa kadiiday si kastee ahaatabaa si qasab ah ayuu isugu dayaye inuu sawiro Selfie ah ula galo wiilka yar ninkaan ayadoo haweyneydana ay ku qeylineyso ninkaan.

Aad ayaa loola yaabay hab dhaqanka ninkaan tolow Saif Ali Khan iyo Kareena Kapoor talaabo sharci ah maka qaadi doonan oo ma dacween doonan ileen maanta wiilkoda waa la qash qashaaday xili aysan la soconin labadoodaba..

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*