Asc ayuu qoraalkiida ku bilaabay wuxuuna ku xijiyay cabashadaan; “Xaaskeyga iima ogola inaan u galmoodo inta badan waayo markasta oo aan sariirta ugu yeero wey iiga cudur daarataa ayadoona marmarsiiyo ka dhigato waxkasta si aysan nafteeda iigu ogolaanin.Waxay iska dhigtaa mid jiran ama qabow haayo mararma qaarna waan daalanahay ayay ku marmarsiyootaa ayadoona diidan in nafteeda isiiso.Aniga marar badan ayaan waaniyay waliba aayado quraan iyo axaadiith shariif ah u sheegay kuwaasoo ka hadlaayo in falka ay ku kaceyso xaaraan yahay balse wax natiijo ah waanadeyda kama gaarin.Haatan aniga waxaan ka cabsanayaa inaan xaaraan ku dhaco maadaama aanan awoodin inaan naag labaad guursado ee bal ila taliya maxaan sameeyaa Allaahna ha idinka abaal mariyee???Jawaabtii Culimada ayaana sidaan noqotay;الحمدُ لله، والصلاةُ والسلامُ على رسول الله، وعلى آله وصحبه ومَن والاه، أما بعدُ: Allaah wuxuu ku waajib yeelay dumarka in ragooda raaxada ay rabaan siiyaan oo jirkooda oo dhan u ogolaadaan markii laga reebo wixii Alle xarimay markasta oo ninkooda damcana aysan u diidin ragana isla arinkaas ayaa iyagana ku waajib ah.Hadii gabadha aysan sameynin arinkaas oo nafteeda u diido ninkeeda waa naashizad rabigeeda ku caasisay waase hadii aysan wax cudur daar ah laheyn misna caafimaad qabto ففي الصحيحين عن أبي هريرة – رضي الله عنه – أن رسول الله – صلى الله عليه وسلم – قال: “إذا دعا الرجل امرأته إلى فراشه فلم تأته، فبات غضبان عليها؛ لعنتها الملائكة حتى تُصبح”،Saxiixeynka waxaa ku qoran oo Abii Hureyra laga wariyay in rasuulka Allaah scw uu yiri; Hadii uu ninka xaaskiisa ugu yeero sariirta oo aysan imaanin ninkiina seexdo asigoo u careysan malaa’ikta ayaa lacnadeyso (naagtaasi) intii waaga ka baryaayo”.وعنه في الصحيح قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: “والذي نفسي بيده، ما من رجل يدعو امرأته إلى فراشها، فتأبى عليه، إلا كان الذي في السماء ساخطًا عليها حتى يرضى عنها”Isla Abii Hureyra waxaa waxaa laga wariyay xadiith saxiix ah kaasoo uu Nabiga scw yiri: “Allaha nafteyda gacantiisa kujirtaan ku dhaartee ma jiro nin naagtiisa ugu yeeri firaashka oo ay ayadana diido ilaa midkii samada joogay (Allaah) wuxuu ahaan mid u careysan ayada ilaa uu ninka ka raali noqdo”.Sidaas darteeda xaasku waa iney Allaah ka baqdaa oo ay caradiisa iska ilaalisaa.Dhanka kale ninka qudhiisa waa inuu ogaadaa sababta ay xaaskiisa u diideyso sidaas owgeed waa qasab inuu xaaskiisa kulan la yeeshaa si caadi ahna ula hadlaa waxaaba macquul ah in sababta ugu weyn uu asiga yahay sidaas owgeed waa muhiim in xaaskiisa si dagan ula hadlaa oo cilada jirta ogaadaa hadii ay cadaato in asiga sabab u yahayna uu masuuliyadiisa qaataa.Wallaahu Aclam.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here