kaliya bollywoodka kama shaqaystaan aktarada waxaana sidoo kale ku dhex-muuqdaan dad caan ah kuwaaso haya shaqooyinka ugu dhibka badan sida ninkan lagu magacaabo Ganesh Arya oo aad si weyn u wada taqaanan waa aktar sidoo kalena waa nin diyaariya dance-ga aktarada ee filimka

isaga waxa uu dhastay 14 june 1971 aabihiisa waxa uu geeriyooday marka uu jiray 10 isagoo school isaga daayay dhibaato dhanka dhaqaale ah ka dib waxa uu bilaabay inuu barto dance isagoo 12 sani jir ayuu awooday inuu abuurto kooxda ciyaaraha ku xeel-dheer

ka dib waxa uu u dalacay inuu noqdo ninka ciyaaraha u diyaariya aktarada kaliya isagoo jira 19 sano isagoo filimkiisa kowaad ee uu ka shaqo bilaabay uu ahaa anaam sanadkii 1992 xiligaas ganesh waxa uu jiray 21 sano isagoo markaas ka dib noqday shaqsi caan ah

waxaana uu la shaqeeyay aktarada ugu waa weynayd xiligaas sida govinda mithun Chakraborty, Salman khan, Shah rukh khan iyo aktaro kale oo badan dhawaan waxaa internet ka lasoo geliyay sawir isaga ah kaaso noqday mid si weyn u gil-gilay

iyadoo dadka si weyn ula yaabayn ninkan sida uu misaankiisa badan isaga dhimay isagoo lasoo baxay muuqaal cusub oo qurux badan

Ganesh waxa uu guursaday atariisho lagu magacaabo Vidghi Acharya taaso xitaa qayb ka ahayd filimka uu isaga hogaamiyaha ka yahay ee Hey Bro ganesh waxa uu bollywoodka soo galay ku dhawaad 27 sano ka hor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here