Home » Arimaha Bulshada » Nin maseyrsan oo dilay gabar ay saaxiib ahaayeen, ka dibna karsaday oo cunay maskaxdeeda (Sheeko yaab leh)

Nin maseyrsan oo dilay gabar ay saaxiib ahaayeen, ka dibna karsaday oo cunay maskaxdeeda (Sheeko yaab leh)

Nin ku nool Mareykanka, balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Hindiya ayaa waxaa lagu soo eedeeyey inuu gowracay gabar uu jaceyl kala dhexeyn jiray (Ex-girlfriend), isagoo gabadhaas madaxa ka jaray, ka dibna karsaday oo cunay qeybo ka mid ah jirkeeda.

33 sanno jirkaan waxaa lagu magacaabaa Joseph Oberhansley waxaana lagu soo eedeeyey inuu ka dambeeyo dhimashada Tammy Jo Blanton.

Ciidanka Jeffersonville Police Department ayaa baaritaan ku sameeyey guriga ninkaan oo ku yaalla goobta loo yaqaanno Blanton, iyadoo jikadiisa lagu arkay caddeymo muujinaya inuu karsaday qeybo ka mid ah jirka Tammy Jo Blanton.

Baaritaan dheeraad ah oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday inuu Joseph Oberhansley cunay maskaxdii Tammy Jo Blanton.

Oberhansley ayaa waxaa haatan laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan, waxaase la yaab leh sida uu ninkaani u maagay inuu saaxiibtiisii hore gurigiisa ugu yeero, ka dibna gowraco oo karsado, cunana qeybo ka mid ah jirkeeda.

Waxaana looga shakisan yahay inuu ninkaani maseysrsanaa maadaama uu si xad dhaaf ah gabadhaan u jeclaa, sida laga soo xigtay xubno ka tirsan qoyskiisa.