Nin sameeyay fal ka yaabiyay caalamka si uu caan u noqdo oo ganaax iyo magdhow la kulmay.

0
781

Nin u dhashay Turkiga ayaa fal layaab leh ku kacay kadib markii uu Boombale weyn dhiig soo mariyay asigoona karfan ku duuduubay kadibna qeybta dambe ee gaarigiisa soo saaray.

Boombalaha karfanta ku duuduubnaa misna dhiiga lahaa oo meyd caadi u ekaa ayaana waxaa arintiisa ku baraarugay booliska kadibna ninkii gaariga lahaa ayay soo qabteen

baaritaan kadib waxaa cadaatay waxa uu sido inuusan meyd aheyn balse uu yahay boombale markii sababta uu arinkaan u sameeyay la weydiiyayna wuxuu ku jawaabay; Waxaan doonayay indhaha dadka inaan soo jiito.

Booliska ayaana ninkii ganaax lacageed kusoo rogay sidoo kalana waxaa lagala wareegay gaarigii asigoona lagu eedeeyay argagaxin bulsho iyo inuu booliska waqtiga ka dhumiyay.

Caalamka ayaa maalin walba waxaa ka dhaco falal layaab leh kuwaasoo dadka qaar ay u sameeyaan kaliya sidii ay caan u noqon lahaayeen bulshada dhexdeedana hadalheyn ugu abuuri lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here