Sonakshi Sinha waxay ku dhex jirtaa waqtigeeda ugu wacan Bollywoodka xidigtaan waxay kusoo caan baxday Filimka Dabangg ee 2010 la daawaday wixii markaa ka dambeeyay dib uma aysan jeedsan ilaa maanta ay heerkan kasoo gaartay.

Filimadeeda kale waxaa ugu caansan R…Rajkumar, Dabangg 2, Rowdy Rathore iyo kuwa kale oo badan halka Dabangg sanadkaan ay la imaan doonto iyadoo shaashada jaceyl kula wadaageyso Salman Khan.

Dhanka kale Sonakshi waa atiriisho ku xeel dheer labiska iyo Fashion-ka iyadoo fasaxa todobaadka isaga dhexjirta magaalada Mumbai na jeemis ku wareegeysa xalah habeenimo waxay la kulantay qaar kamid ah shicib hindi oo taageero u ah iyada.

Mid kamid ah Raggi dadkaas kudhex jiray ayaa Sonakshinka codsaday inee sawir Selfie la gasho waxayse usheegtay in xilo habeen tahay ayna deg degsantahay taas bedelkeedna ay maalin la gali doonto iyadoo ballan ka qaadeysa.

Wiilkii ayaa ku adkeestay oona baryay Sonakshi waxuuna u sheegay inee macquul tahay in waligood dambe aysan kulmin ee fursadan ha idhaafin ayuu yiri si deg drg ayee ku aqbashay markuu sidaa yiri weyna la gashay.

Sawir qaadayaal ayaa goobta joogeennoo sawiro kasoo qabteen sida aad maqaalka ku dhex aragtaan dhanka shaqada xidigtaan Dabangg 3 ayaa tiyaatarada loo saari doonaa 20 December waana mashruuc madadaalo dhameestiran leh oo Prabhudheeva Director ka yahay.

PHOTOS: Sonakshi Sinha is a bundle of joy as she clicks selfies with fans

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here