Home » Arimaha Bulshada » Nin u dhashay Thailand oo dilay gabadhiisa isagoo Facebook Live ku jira, maxaase ku qasbay?

Nin u dhashay Thailand oo dilay gabadhiisa isagoo Facebook Live ku jira, maxaase ku qasbay?

Nin u dhashay Thailand ayaa wuxuu dilay gabar muluq ah isagoo ku jira Facebook Live, ka dibna isaga ayaa isdilay, sida ay daaha ka qaadeen boliisku.

21 sanno jirkaan ayaa wuxuu dilay gabadhaan oo uu isagu dhalay, ka dibna isaga ayaa qudha iska jaray jasiiradda Phuket Province ayuuna shilkaani ka dhacay.

Boliiska ayaa daaha ka qaaday in ninkaani uu dagaal lasoo galay xaaskiisa, ka hor inta uusan gabadhiisa dilin isagoo Facebook Live ku jira.

Waaxda Farsamada Facebook ayaa muuqaalkaan markii dambe tiray. Si kastaba ha ahaatee, waxay aheyd mar muuqaalkaas lala degay oo la dhigay YouTube-ka.