Arin laga naxo ayaa maanta baraha bulshada laga maqlay taaso ah nin xaaskiisa u dilay naftana u dhaafiyay Superstar Hrithik Roshan aawgiis waana musiibo kudhacday lamaane Mareykana ku noolaayeen halkaasna kasoo jeedeen.

Nin lagu magacaabo Dineshwar Budhidat ayaa mindi ama tuurey caloosha kaga dilaaciyay xaaskiisa Donne Dojoy oo 27 jir ahed bishii June ee sanadkaan ayeena is guursadeen waxuu aad oga hinaasay ama oga maseeray jilaaga caanka ah Hrithik Roshan sababto ah gabadha taageero waali ah ayee HR u ahed.

Filim HR sameeyay oo gabadhaas daawanin maba jiro dhamaan aflaamta uu sameeyay wey daawatay maalin walba heesihiisa ayee dhageysan jirtay marka uu ninkeeda guriga joogo ama maqan yahaba isagana wuu ka xanaaqi jiray marwalba waxuu dhihi jiray ninkaan igadaa Filimadiisa aad daawaneyso iga dami heesihiisa iyo hadalo lamid ah.

Gabadha walaashed ayaa dhacdadan ka sheekeysay dhinaca kale ninka dhowr jeer ayuu u gacan qaaday xitaa bishii August maxkamad ayee sheekadooda gaartay oo Hrithik kaliya ma ahe ninba hade la hadasho wuu ka maseeri jiray maadama gabadha aad u qurux badned labis iyo xaragana badneed ninkaan wuxuu istusay amii lagaa wataa gabadhaan oo nin kale kaa raacdaa.

Marwalba waxuu ugu hanjabi jiray inuu dili doono wuu u gacan qaadi jiray wuuna aflagaadeyn jiray waxaasna waxba uma aysan arki jirin iyada sababto ah wey jecledd dilka uu ugu hanjabaayeyna been ayee moodi jirtay oo waxay aaminsaned inuu jecel yahay.

Habeenkii jimcaha ayuu qolka jiifka kusoo xirtay halkaasna ku dilay gabadhii mustaqbalka leheed waxuuna markii uu dilaayey kudhahaayey,”Hrithik iga daa waan kaa waaye adna dhimo” markuu dilay ayuu fariin qoraal Mobile-ka ah udiray gabadha walaasheed.

Wuxuu u sheegay inuu xaaskiisa dilay meydka walaasheedna ay soo doonato isagana inuu is dilaayo ayuu usii sheegay waxuuna u raaciyay inee u dhimatay Hrithik Roshan aawgiis kadib geed ayuu isku dal dalay kahor inta dadka Police-ka imaanin.

Halkaas ayaa loogu yimid labadooda oo meyd ah waana arin fajaciso ku noqotay dadkii meesha isugu yimaadeen dabcan HR saacan wey gaartay dhacdadan…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here