Nick Jonas waa xidig caan ah oo aan Priyanka ka hooseynin daafaha caalamkana taageero fara badan ayuu ku leeyahay waa jilaa waana fanaan ama heesaa heesihiisana caalamka si weyn looga jecel yahay.

Sanadkii 2018 dhamaadkiisii (December) ayuu la aqal galah quruxleyda India Priyanka Chopra balse taas ma niyad jabinin gabdhaha sida waalida ah u jecel Nick ee dunida kunool oo wali wey iska rabaan xidigaan in mid walba iyada uu guursadaana wey iska jeceshahay.

Dhowr bil kahor arin ay la yaabeen taageerayaasha Priyanka Chopra ayaa dhacday waxay ahed Nick xili uu qabanaayey bandhig Live ah oo uu hees ku luuqeynaayey waxaana kasoo qeyb galeen boqolaal taageero u ah isaga oo gabdho u badnaayeen.

Priyanka safka hore ayee fadhiday oo waa lagu casuumay bandhigaan waxaa dhacday markii uu Nick bandhigay dhameeyay meeshana uu kasii tagi rabah in gabar taageero u ah intee rajabeetadeda furtay ka daba tuurtay Nick Jonas iyadoo ula jeedo hadiyad ahaan maadama meesha ciriiiri ahed dad badana buuxeen inee ka daba tuurto ayee danta ku kaliftay.

Arinka layaabka ah ayaase ah in Priyanka Chopra Rajabeetafii dhulka kudhacday iyada sare u qaaday waxayna usheegtay gabadhii taageeraha u ahed Nick inee iyada Priyanka ah gaarsiin doonto hadiyadaas Nick Jonas una sheegi doonto inaa usoo dhiibtay adigoo taageerihiisa ah.

Gabdho badan ayaa Priyanka baraha bulshada ku weerareen iyagoo kuleh waxaad tahay dhiig la’aan sidee ninkaada waxaas ugu gudbinee misane ugu faraxsantahay mudo ayaa lagu wad waday internet-ka sheekadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here