Kavita Kaushik waa atirisho Hindi ah oo ku caan baxday musal salada inay kasoo muuqato saameynta ku dhex leh qoysaska madaama TV-yada caan ka tahay haddaba gabadhaan waxay qaadaneysaa kaalinteeda si ay dadka Coronavirus kaga wacyi galiso.

Xidigtaan ayaa baraha bulshada soo dhigtay sawirka sare idinka muuqdo oo ah iyada seygeeda oo alaabta guriga dhaqaayo jikadana ku jiro halka iyadana sawir Selfie ah soo gashay waxayna soo raacsiiyay qoraal tilmaamo bixinaayo waxayna tiri xog kooban oo ku aadan sida aan dowlada kaga fiicnaan karto marka ay timaado ka hor taga Coronavirus:

1. Shaqada iyo waajibaadka guriga ha kala qeebsadaan qoyska sidoo kalena dadka shaqaalaha inoo ah hala fasaxo lacagtoodana hala siiyo si ay guryahooda u joogaan.

2. Raashiinka ama cunnada guriga yaalo wax halaga siiyo waardiyaasha, dadka kaa warqabaan iyo kuwa aad taqaanid ee aan wax heesanin.

3. Guriga hala joogo yaan la wareegin sidoo kalena nadaafada guriga halagu dadaalo.

Kavita Kaushik wacyi galinta ay baraha bulshada soo dhigtay dad badan ayaa u riyaaqeen laakiin dad wax dhibo lama waayo waxaana dhacday qof inuu ku dhahay “Waxa kaliya aan aragno waxay tahay nin alaabta dhaqaayo oo howsha guriga haayo iyo adiga oo sawir Selfie ah iska soo qaaday kkk kkk”

Kavita Kaushik jawaab deg deg ah ayay siisay qofkii weerarka kusoo qaaday waxayna tiri “Hubanti ahaan caqli badnaanta waxay keentaa indhoolonimo ama aragti xumo, sababtoo ah dadka caqli badan waxba makala garan karaan sida adiga oo kale oo arki weesay in gacanteyda ku jiro tir tiro aan dhulka ku tir tiraayay, sidoo kalena ninka aad ku tilmaantay shaqaale jikada ku jiro waa ninkeyga oo howsha guriga igu caawinaayo!”

Kavita Kaushik waxay ka mid tahay jilaayaasha musal salada sameeyaan ama TV-yada kasoo muuqdaan ee dhawaanahan wacyi galinta baraha bulshada ka sameeyaan sida Hina Khan, Divyanka Tripathi, Karanvir Bohra iyo kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here