Nin lagu magacaabo Rafique Shaikh oo jabiyay albaabkii qolka Sushant ku geeriyooday ayaa shalay oo axad ahed saxaafada wareysi siiyay waxuuna ka hadlay arimo horleh waxuu sheegay inuu lacag ku qaatay jebinta albaabka.

Shaikh waxuu yiri”waxaa isoo wacay Sushant saaxiibkiis Sidharth waxuuna iisheegay inee jirto shaqo deg deg ah oo aan ana dhaqsi ku imaanayo markaan imid waxuu idhahay fur albaabkan xiran ana markaas ma ogeyn inuu yahay albaabka ama guriga Sushant.”

“Markaan la xarbiyay albaabkii waxaan usheegay in aan la furi karin albaabkan sababtoo ah waa teknooliji hab Computerise ahayuuna u xiran yahay lamana furi karo ayaan kudhahay kadib waxuu igu dhahay jebi ana waan jabiyay waxaana ku qaatay lacag dhan Rs 2,000.”

“Ma ogeyn inuu yahay guri atoore sido kale markaan jebiyay albaabka gudaha la iima ogolaan inaan gelo ana ma gelin waan iska soo baxay balse goobta waxaa joogen 4-qof oo aan wajiyadooda garan waayey mana ogeyn sheekada meesha kasocotay wax walbo deg deg ayee kudhaceen.”

Waxaa laga yaaba CBI inee ninkaan wareysi ka qaadi doonaan si bal loo weydiiyo hadii uu aqoonsan karo dadkaas uu meesha ku arkay iyo hadii kale..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here