Andaz Apna Apna waa filim Classic ah kaasi oo la daawaday sanadii 1994 waxaana hogaamiyaal ka ahaayeen Aamir Khan, Salman Khan, Karisma Kapoor iyo Raveena Tandon waxaana lagu tilmaamaa filim shactiro midkiisa ugu wanaagsan ebid Hindiya sameeyeen balse nasiib haatan waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday ninkii filimkan qarash gareeyay ama maal galiyay inuu geeriyooday.

Vinay Kumar Sinha oo Andaz Apna Apna maal galiyay ayaa geeriyooday waxaana geeridiisa baraha bulshada shaaca kaga qaaday Aamir Khan oo bartiisa Twitter-ka kusoo qoray “Aadban uga murugeesanahay inaan maqlay geerida Vinayji oo soo saare ka ahaa Andaz Apna Apna, wuxuu ahaan doonaa filimkaas waaya aragnimadeyda iyo filimkeyga iigu xasuusta badan, waxaan si qoto dheer oo qalbiga kaga soo go’day tacsi ugu diraa Vinay qoyskiisa. Ruuxdiisa nabad galyo hala kulanto.

Inkastoo filimka Andaz Apna Apna ganacsi ahaan Boxoffice-ka guuleesanin haddana waa filim Classic ah oo ilaa maantadan daawashadiisa laga xiiso dhigeyn waxaana dhawaahanan lasoo jeedinaayay fikrad ku aadan in qayb labaad laga sameeyo balse haatan ninkii iska lahaa filimkan wuu geeriyooday waa in qoyskiisa ogolaansho laga helaa haddii qayb labaad laga sameenayo waxaana mashruucan Director ka ahaa Rajkumar Santoshi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here