Ninkii Salman Khan shaqo la’aan intee ka badatay uu beer falow iska galay.

0
962

Salman Khan waa mid kamid ah jilayaasha ugu waaweyn India waana jilaaga ugu awooda badan Bollywoodka 10kii sano ee lasoo dhaafay balse haatan waa guri joogo wax shaqo qabanin asigoona u hogaansamay talada hey’adaha caafimaadka.

Salman Khan oo waqti la qaadanayay wiilka uu abtiga u yahay misna dhashay walaashiis Arbita Khan ee Ahil Khan ayaa muuqaal laga soo duubay xili ay beer miro ka guraayeen.

Sida ay shaaca ka qaaday shabakada New 18 Sallu iyo wiilka uh abtiga u yahay ee Ahil Khan ayaa miraha guranaayay xili Salman Khan uu naftiisa guriga ku xanibay si uu ugu hogaansamo talooyinka hey’adaha caafimaad ee kahortaga Corona Virus.

Arintaan ayaa kusoo aadeyso fili hay’ada caafimaadka aduunka dadweynaha ugu baaqday iney guryahooda kasoo bixin ilaa laga xakameynaayo xaalada cakiran ee taagan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here