Waxaan maqaal taxanahe aan kadhigi doonnaa nolosha qaribantay ee Pooja Bhatt taaso caan ahed 90-maadkii waa atiriisho nolosheeda fadeexooyin iyo dhib badan soo mareen wixii laga qoray xan iyo xaqiiqba hal maqaal laguma soo koobi karo sidaa aawged qeyb qeyb ayaan idiin kuguso gudbin doonnaa.

Ragg badan ayee la saaxiibtay xitaa aabahed Mahesh Bhatt uu kujiro sida la sheegay waana xanta ugu weyn iyo fadeexada ugu weyn atiriishadan laga qoray waxay la dhalatay Alia Bhatt oo aad wada taqaanan waxaana aabo u ah Filimsameyaha caanka ah Mahesh Bhatt.

Pooja Bhatt

Qeybta Kowaad waxaan kusoo qaaddan doonnaa xiriirkii xanta ahaa ee dhexmaray aabo iyo gabadhiisa Mahesh Bhatt iyo Pooja Bhatt: Warbixin walba oo kasoo baxi jirtay jaraaityada Bollywood-ka 90-kii waxaa lagu soo hadal qaadi jiray xiriirka xanta ahaa ee Pooja iyo aabahed Mahesh waxaana u sabab ah sawir ay iska qaadeen oo buuq badan dhaliyay.

Magazine ayee sawir u sameyeen si Cover ahaan oga dhigtaan shirkadooda waana sawirka sare idiin kaga muuqda ee Pooja iyo aabahed bishimaha iska shuminayaan qof walba ayaa afka qabsaday markuu sawirkaan arkay fadeexo weyn àyeena noqotay in gabar iyo aabahed shumiska bishimaha wadaagaan hadana kaaga daran bulshada usoo bandhigaan.

Pooja Bhatt

Arinta waxay sii hurtay oo cirka gashay markii Mahesh Bhatt wareysi bixiya isagoo gabadhiisa Pooja ka hadlaayana yiri,”hadii Pooja gabadheyda ahaan laheen dhab ahaantii waan guursan lahaa oo sidaas ayaa jeclaan lahaa” hadalkaas shaki badan ayuu abuuray.

Saxaafadii xiligaa joogtay hadalkaas sanado badan ayee ku qaraaban jireen oo ay wad wadeen waxaana la isla dhexmaray in gabadhaan iyo aabahed xiriir hoose oo qarsoodi ah ka dhaxeeyo cadeen intaas ka baxsana waa loo waayey. Lasoco qeybta labaad nimankii kale ee Pooja xiriirka la yeelatay oo Aamir Khan kujiro iyo daroogada oo laga kari waayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here