Waxaan maqaal taxanahe aan kadhigi doonnaa nolosha qaribantay ee Pooja Bhatt taaso caan ahed 90-maadkii waa atiriisho nolosheeda fadeexooyin iyo dhib badan soo mareen wixii laga qoray xan iyo xaqiiqba hal maqaal laguma soo koobi karo sidaa aawged qeyb qeyb ayaan idiin kuguso gudbin doonnaa.

Qodobka labaad waxaan kusoo qaadan doonaa xurguftii dhexmartay atiriishadan iyo Bollywood Mr.Prefectionist Aamir Khan bilawgii 90-kii ayeena iski dhaceen inkastoo markii dambe ay heshiyeen.

Xidigahan waxay wada sameyeen Filimka caanka ah ee Dil Hai Ke Manta Nahin Filimkaan oo reer Bhatt iska lahaayen waxaa shaashada ku saameyn badnaatay atiriishada Pooja Bhatt inkastoo labadooda door ahaan simnaayeen hadana Pooja ayaa hadal heynta la wareegtay balse dhibka jiro ayaa ah in dagaalkooda badnaa.

Inta Filimkaan la duubaayey ayee isdagaali jireen maalin walba waa lakala celin jiray Pooja iyadoo ka sheekeyneysa mar waxay tiri,”adeerkey Mukesh Bhatt waxuu na dhihi jiray idinka waxaa tihiin sida bisad iyo jiir/dooli oo kale maba is arki kartaan sidee ku wada shaqeyn doontaan sidaas ayuu na dhihi jiray marwalba.”

“Aniga iyo Aamor dagaalkeena ayaa badnaa laakiin midaas waxay faaido u noqotay wada shaqeynteena maadama Filimkaan dadkii daawadeen dhaheen kuwani inee yaraantood isla soo koreen ayaa la moodaa isfahamka iyo jiliinka aan muujinay aawged Aamir waa saaxiibkey qaali mana ilaawi doono waqtigii wacnaa aan soo wada qaadanay.”

Waxaa la sheegay isla Filimkaan inee xidigahan isku jeclaadeen waana xan kale oo atiriishadan laga qoray Aamir oo xaasle ah ayaa la sheegay inuu gabadhaan u dhowaan jiray laakiin markale ayee hadana is dagaalen weyna kala tageen oo safaaradaha ayee kala qaateen.

Aamir 90-kii wuu necbanaa atiriishadan aflaam badan ay la sameyn laheed xitaa wuu iska diiday sida Filimka Raja Hindustani oo ay atiriisho ka noqon laheed isaga ayaa kahor istaagay markii Aishwarya diiday Director-ka Filimka Pooja ayiu atiriisho ka dhigi rabay balse Aamir ayaa ku hanjabay inuj isaga bixi doono mashruuca hadii Pooja soo gasho.

Ugu dambeyn naceebka xidigahan saaxiibtinimo ayee isku bedeshay haderna waa kuwa xushmad iski hayaan markee kulmaan oo ay yaraantooda soo xusustaan wey isku qoslaan maadama mid walba hader nus qarni noqday da’ahaan.

Lasoco Qeybta Xigta Darooga Oo Laga Kari Waayey Iyo Nimankii Ay La Saaxiibtay..

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here