Fanaanka caalamiga ee Justin Bieber ayaa bartiisa instargramka siweyn ugu amaanay sidoo kalana niyada u dhisay xaaskiisa Hailey Beldwin taasoo isbuucaan u dabaal dageysay dhalashadeedii 23aad.

Justin ayaa bartiisa Instagramka sidaas kusoo qoray; “waxaad badashay Nolosheyda, sanad guuro wacan gacalisadeyda qaaliga ahey, adiga waxaad dooneysaa inaan maalin kasta sidaan kasii fiicnaado qaabka aad u nooshahay waa qaab soo jiidasho leh waxaadna nolosheyda ka badashay dhinac kasta”.

Justin Bieber sidoo kale wuxuu xaaskiisa u dhigay xaflad heer sare ah oo ku saabsan munaasabada sanad guuradeeda 23aad.

Tan ayaa meesha ka saareyso wararkii xanta ahaa ee fanaankaan la xiriirineysay gabadha uu dhalay madaxweynaha mareykanka ee Tiffany Trump taasoo lagu soo waramay in xiriir qarsoodi la leedahay Justin Bieber.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here