Filimka Tanhaji inaba caadi ma ahan sida uu sare u kac maanta u sameeyay waliba duhurkaan ayuu siweyn sare ugu kacay.

Tanhaji ayaa saakay galinkii hore ku furmay 35% waana bilaabasho aad u wanaagsan asigoona ka bilaabasho wanaagsanaa dhamaan maalmihii todobaadkii hore markii laga reebo sabtidiisa koowaad iyo axadiisa koowaad oo uu kala keenay 19.75 crore iyo 25.50 crore.

Qaabka uu subaxaan ku furmay wuxuu kaga sii daray duhurkii maanta asigoona ku furmay 53% waana sare ukac weyn balse waxaa afka la qabsaday markii caawo fiidkii xiliga India uu filimkaan ku furmay 65% waana Excellent Opening asigoona filimkaan maalintiisii 9aad tiyaatarka saaran.

Arinta xusida mudan ayaa waxay tahay in filimkaan caawo Mumbai kaga furmay 80% waana Bumper Opening ama bilaabasho waali ah markii loo fiiriyo qaabka uu caawo fiidkii kaga furmay magaalada Mumbai oo uu filimkaan si waali kaga gadmaayo.

Sidoo kale magaalada Pune ayuu si waali kaga furmay saakay asigoona ku furnay 80% halka duhurkaan uu gaaray 90% ayadoo caawo fiidkiina maraayo 85% waxaana muuqato in gobolka Maharashtra uu markale maanta filimkaan ganacsi waali ah ka sameyn doono.

Waa hubaal in maanta filimkaan ugu yaraan keeni doono 14 crore asigoona waliba noqon doono filimka Ajay Devgan lacagaha ugu badan usoo xareeyay sabtidiisa labaad waxaana xusid mudan in caawo galinkii dambe filimkaan usoo dhimantahay misna la filaayo in markale sare u kac sameeyo maadaama bari axad tahay isla markaasna maalin nasasho tahay.

Sidoo kale filimkaan bari oo axad ah markale ayuu sare u kici doonaa isla markaasna ganacsi weyn laga filan doonaa asigoona haatan u dalacay darajada Super Hit balse haduu qaabkaan waalida kusii socdo Blockbuster ayuu noqon doonaa filimkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here