Waxaa maanta tiyaatarka la saaray filimada Malang iyo Shikara waxaana filimka Malang hogaaminaayo Aditya Roy Kapur iyo Disha Patani halka filimka Shikara lagu soo caan bixinaayo Aadil Khan iyo Saida.

Filimma Malang ayaa saalay ku furmay 11.89% asigoona maanta duhurkii gaarau 13.66% halka caawo fiidkuu uu maraayo 20% waana guud ahaantiyaatarada India.

Malang ma uusan sameynin sare u kac xoogan taasoo ka dhigan in bari qiyaas ahaan keeni doono 6 crore maadaama uu 3300 shaashad saaranyahay.

Dhanka kale filimka Shikara oo saakay ku furmay 10.88% ayaa duhurkaan inyar sare u kacay asigoona gaaray 12.74% halka caawo fiidkii uy maraayo 16.63% wuxuuna kaliitaa filimka Malang.

Tan ayaa ka dhigan in filimka Shikara uu maanta keeni doono qiyaas ahaan 1.50 crore ilaa 2 crore waana bilaabashi liidato.

Labada filim waxaa u dhiman caawo galinkii dambe oo la filaayo in markale sare u kacaan balse sare u kacooda waa mid xadidan maadaama maanta maalin shaqo u tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here