Nora Fatehi heeskeeda Dilbar wuu hirgalay waxayna ku biirtay liiska atirishooyinka Dance-ga xudunta ku caan baxeen (+Video)

Atirishada Nora Fatehi heeskeeda Dilbar si weyn ayuu hirgalay waxaana markii hore laga cabsi qabay dib u sameynta Dilbar inay fashil noqoto madaama dhawaanahan heesaha dib loo casreeyo fashilmayeen.

Laakiin Dance-ga xudunta Nora Fatehi la timid iyo codka heerka sare Neeha Kakkar ayaa ka dhigeen in heeska Dilbar haatan daawashadiisa barta Youtube-ka sii mareyso 68-milyan oo qof ka badan waxayna Youtube-ka soo dhigeen shirkada T-Series 8-maalmood ka hor!

Fadlan hoos kaga bogo heesaha hirgaleen ee Dance-ga xudunta ama Belly Dance loo yaqaan oo ay atirishooyinka qaar magac ku yeesheen heesahana siweyn u gadmeen:

Katrina Kaif Mashallah (Ek Tha Tiger): waxaa Youtube-ka ka daawadeen 48-milyan oo qof ka badan:

Rani Mukherjee Aga Bai (Aiyya) waxaa Youtube-ka ka daawadeen 30-milyan oo qof ka badan:

Nora Fatehi in Dilbar (Satyamev Jayate): waxaa Youtube-ka ka daawadeen 68-milyan oo qof ka badan:

Mallika Sherawat in Mayya Mayya (Guru): waxaa Youtube-ka ka daawadeen 11-milyan oo qof ka badan:

Deepika Padukone in Lovely (Happy New Year): waxaa Youtube-ka ka daawadeen 78-milyan oo qof ka badan:

1 Comment

Comments are closed.