Dilbar Girl Nora Fatehi wey soo rogaal celisay waxayna markaan heesataa Youtub-ke madaama hees cusub ay ka qaaday filimka Marjaavaan si aan caadi ahayn loo daawanayo waxayna xidigtan muujisay inaan lagu gaarin heesaha Item Songs loo yaqaano ee filimada laga qaado si hadal heyntooda sare loogu qaado.

Haddaba Nora Fatehi ayaa kala kicisay heeskii 80-maadkii Classic ahayd Pyar Do Pyar Lo oo dib loo casriyeeyay kuna jirtay filimkii Janbaaz waxaana muuqaalkii hore ku caan baxday atirishada Rekha laakiin maanta Nora Fatehi ayaa lagu xasuusan doonaa.

Heeska Ek Toh Kum Zindagan waxaa ku luqeenayaan Neha Kakkar iyo Yash Narvekar sidoo kalena muuqaalka waxaa qayb ka ah Sidharth Malhotra oo aad u careesay waana hogaamiyaha filimka Marjaavaan kaasi oo ay ku wehliyaan Tara Sutaria, Riteish Deshmukh iyo Rakul Pureet Singh waxaana la daawan doonaa 15 Nov 2019.

Fadlan hoos ka daawo Nora Fatehi iyo heeska Ek Toh Kum Zindagan sida ay u kala kicisay aadna loo hadal haayo waxaana lagu soo bandhigay T-Series barta ay Youtube-ka ku leeyihiin:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here