Norwich City oo xashka ka dhuuqday Manchester City xili Liverpool 5 dhibic nadiif ah hogaanka kula wareegtay.

0
331

Kooxda kubada cagta Norwich City ayaa guuldaro lama filaan ah dhabarka u saarisay kooxda horyaalka heysato ee Manchester City kadib markii 3-2 uga badiyeen xili City marti ugu aheyd Carrow Road.

Norwich City oo sanadkii hore uun usoo dalacday EPL ayaa bilowgii horeba Manchester City kaga naxsatay labo gool oo ay u kala dhaliyeen McLean iyo Cantwell waxayna cayaarta ka dhigeen 2-0 oo ay hogaanka ku qabteen.

Dhamaadkii qeybtii Hore Sargio Aguero ayaa Manchester City goolka rajada usoo celiyay kadib caawin uu ka helay saaxiibkiis Bernard Silva waxaana qeybtii hore lagu kala maray 2-1 oo ay ku hogaamineysay Norwich.

Qeybtii labaad markii la isku soo laabtay ayay daafaca Manchester City khalad weyn sameeyeen xili laacibka kooxda Norwich ee Buendia uu Otomend kubada kasoo dafay wuxuuna meel banana usoo dhigay weeraryahanka baryahaan laga yaabanyahay ee Pukki kaasoo asna si habsami leh shabaqa u dhex dhigay.

Dhamaadkii cayaarta Rodri ayaa gool usoo celiyay Manchester City kana dhigay cayaarta 3-2 balse City ayaa awoodi weysay in intaas kabadan dhaqaaqaan.

Ugu dambeyn natiijada cayaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-2 oo ay guusha ku raacday kooxda Norwich City waxayna tani ka dhigantahay in Liverpool hogaanka kula wareegto 5 dhibcood nadiif ah xili horyaalka la cayaaray 5 kulan oo qura.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here