Taxanaha Kurulus Osman waa taxanaha 2aad ee loogu daawasho badanyahay gudaha Turkiga kadib taxanaha Mucize Doctor kaasoo kaalinta koowaad heysto.

Taxanaha Kurulus Osman ayaa Ratingiisa u dhaxeeyaa 12.6 ilaa 15 RTB waana taxanaha 2aad ee haatan loogu daawashi badanyahay gudaha Turkiga.

Taxanahaan ayaa ah Seasonkii 6aad ee taxanaha Dirilis Ertugrul kaasoo ka hadlaayo qaabkii ay ku bilaabatay Khilaafadii Cuthmaaniyiinta taasoo mudo kabadan 600 sano aduunka intiisa badan ka talineysay.

Waxaa taxanaha laga soo bilaabay taariikhda Ertugrul bin Suleyman Shaah kaasoo ah aabaha dhalay Osman oo hada taariikhdiisa laga hadlaayo.

Osman waa aasaasihii rasmiga ee Dowlada Cuthmaaniyiinta waliba magaciisa ayaa loogu magac daray waana shakhsigii bilaabay dowladii khilaafada islaamiga noqotay ee Cuthmaaniyiinta.

Hadaba kadib markii asxaab farabadan naga soo dalbadeen warbixinta taxanahaan oo haatan asigoo Af-Soomaali ka socdo Muqdisho caple waxaan go’aansanay inaan dalabka Akhristayaasha tixgalino misna soo gudbino warbixin kasta oo taxanahaan la xiriira.

Waxaan warbixinta kasoo bilaabi doonaa xalqada 1aad ee taxanahaan anagoona wadi doono ilaa xalqada 10aad oo uu haatan maraayo kadibna sitoos ah ayaan todobaad walba uga hadli doonaa Insha’allaah.

Taxanaha waxaa hogaamiye ka ah jilaaga laga dabacm dhacay misne shacbiyada balaaran kuleh gudaha Turkiga iyo daafaha caalamka Burak Ozcivit waliba Burak waa jilaaga ugu shacbiyada balaaran dhamaan jilayaasha Turkida markii ay timaado baraha bulshada.

Kurulus Osman waxaa Live looga daawadaa kanaalka ATV oo ah isla kanaalka soo daayo taxanaha Hercai wuxuuna taxanahaan soo galaa habeenkasta oo ay Khamiis soo galeyso.

Dhawaan naga filo dhacdooyinka xalqada 1aad oo dhameystiran sidoo kale wixii talo iyo tusaale oo dhankiina ah waan soo dhaweyneynaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here