OGEYSIIS MUHIIM AH; ku baro luuqada turkida qaab fudud waliba bilaash ah adigoo gurigaaga iyo goobtaada shaqo joogo.

9
1966

Ma dooneysaa inaad barato luuqada turkida qaab bilaash ah? Mase ku dhibtootay inaad fahamtid luuqadaan barashadeeda?

Hadaba shabkada wararka Filimside waxay idiin heysaa barnaamij muhiim ah kaasoo aad si fudud ugu barankarto aasaaska luuqada Turkida waliba adigoon wado dheer marin.

Aduunka majirto luuqad aan la baran Karin kaliya waxay rabtaa dadaal iyo juhdi inaad ku bixiso si aad uga miro dhaliso.

Hadaba shabakada Filimside akhristayaasheeda waxay ugu bishaareyneysaa iney bilaabi doonto duruus ku saabsan luuqada Turkida kaasoo aad qaab fudud ugu baran karto waxayna maalin kasta kuusoo gudbin doontaa cashar cusub.

Habkaan cusub waxay kaa caawin doontaa inaad fahanto kuna hadli karto luuqada Turkida khaasatan wuxuu barnaamijkaan cusub anfici doonaa asxaabta ku xiran taxanayaasha Turkida kuwaasoo aan aqoonin luuqada Turkida isla markaasna doonayo iney bartaan.

Duruustaan cusub ayaa isla bari bilaaban doonto hadii Alle yiraahdo hadaba ka bogasho wacan.

Hadii aad noo heyso talo iyo tusaale fadlan qeybta Commentiga aragtidaada inoogu reebo dagdag ayaan kuula soo xiriiri doonaa.

Mahadsanidiin.

9 COMMENTS

  1. ASC filimaide magacu waa ibraahim Abdullahi abshir oo joga kenya waad ku mahadsantihiin fursada aad nasiseyn wana jecelnahay barashada luqada turkiga halkaan miyaan kala soconeyna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here