Ogeysiis muhiim ah oo ku saabsan taxanaha Hercai xalqadiisa 27aad.

0
1927

Sidaan wada ognahay taxanaha Hercai ayaa meel aad u xiiso badan inoo marayo asigoona taxanahaan Soomaaliya iyo turkiba si wadajir looga soo bandhigo xalqooyinkiisa.

Hercai ayaa soo baxo habeenkasta oo sabti soo galeyso wuxuuna toos uga soo baxaa kanaalka ATV balsw waxaan idiin heynaa macluumaad ku saabsan xalqadiisa 27aad ee sida weyn loo wada sugaayo.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan helnay ayaa waxay sheegayaan in dhamaan xalqooyinka taxanayaasha turkiga ee kusoo aaday fasaxa sanadka cusub dib loo dhigi doono maadaama jilayaasha ay nasiino mudo isbuuc ah qaadan doonaan sidoo kalana fasaxa sanadka cusub qoysaskooda la dabaal dagi doonaan.

Sidaas owgeed isbuuca soo socdo ma jiri doonaan wax xalqooyin ah oo lasoo bandhigi doono dhamaan gudha Turkiga waxaana xusid mudan in sanadkaan fasaxa la gaabiyay misna 1 isbuuc laga dhigay balse sanadkii hore uu fasaxa ahaa 2 isbuuc taasoo sabab u noqotay in mudo 2 todobaad wax musalsal turki ah lasoo bandhigin.

Filimside kala soco wixii war ah ee arinkaasn kusoo kordho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here