Oh No! Deepika Padukone Ayaa Diiday Inee Sameyso Qeybta Labaad Ee Filmkeda xXx: Return of Xander Cage Balse Sabab?

Filmka xXx: Return of Xander Cage waxuu ahaa filmkii ay Deepika Hollywoodka oga soo caan baxday sanadkii aan soo dhaafanay 2017 balse mashruucan ma noqon mid ganacsi wanaagsan ka sameya Box-office-ka Hollywoodka iyo midka India ba.

Balse saas eetahay Director  DJ Caruso ayaa doonaya in mashruucisa qeyb labaad ka sameyo sido kalena Vin Diesel iyo Deepika  markale isku keeno maadama filmkaan guul wacan ka gaaray suuqa weyn ee China waana sababta ugu weyn ee mashruucan qeyb labaad looga sameynaayo.

Hadaba Filmsameyahan ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in Deepika qeybta labaad ee filmkaan wax ka jili doonto hase ahaate Deepika wey ka niyad jabtay markii filmkii ay kusoo caan baxday dhanka Hollywoodka ganacsi wacan sameynin.

Sidaa aawged shabakadaha qaarkod waxayba sheegen in ay iskadiiday sameynta filmkaan halka kuwa kalena ay dhahen wey ka fikireysa inee diido ama yeesho sameynta filmka ayadoo jawaab laga sugaayo dhawaan.

Hase ahaate wali afkeda lagama hayo ine iska diiday filmkaan balse side u badantahay ayaa ah in aysan markale ogolaan doonin qaasaro lamid ah tii hore oo kale iyo awoodeda oo Hollywood Box-office ku lumeyso.