Ole Gunnar Solskjear oo toogtaan usoo jeesan doono kooxaha yaryar asigoona ka hadlay ahmiyada ay leedahay in kooxahaas laga badiyo.

0
511

Ole Gunnar Solskjear macalinka kooxda Manchester United ayaa ka hadlay dhibaatada kooxdiisa ka heysato kooxaha yar yar ee EPL ka tirsan.

Ole oo saxaafada la hadlaayay ayaa yiri; “hadii arinka (dhibaatooyinka kooxaha yaryar kaheysto) yahay mid nafsaani ah waxaan ku dadaali doonaa sidii aan ku xalin laheyn balse hadaan natiijooyinka fiirino ma ahan inaan waxbadan walwalno”.

Ole oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri; “hadii mushkilada tahay in cayaartoyda ay ku adagtay la tacaamulida kulamadaas anagu waxaa nagu waajib ah inaan ka shaqeyno qaabkii aan u xalin laheyn waayo kulamada ceynkaas dhibcahooda waa kuwa kuu suurto galinaayo ku guuleysiga horyaalka”.

Ole ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay; “waxaa jiraan kulamo badan oo ay suurto gal inoo aheyd inaan ku guuleysano dhibcahana qaadano balse sidaas ma aanan yeelin anagoo waliba jaanisyo badan abuurnay”.

Waxaa xusid mudan in Manchester United ay isbuucaan badisay markii ugu horeysay 2 kulan oo xiriir ah tartanka Horyaalka EPL sanadkaan kadib markii ay ka kala badiyeen kooxaha Manchester City iyo Tottenham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here