Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt waxay kamid yihiin lamanaayasha ugu caansan shirkada Bollywoodka hader waaba kuwa ugu saameynta badan in kabadan 2-sano ayuuna socdaa xiriirkooda.

Wararka qaar ayaaba sheegayeen inee is guursan doonaan dhamaadka sanadkaan 2020 waxaana xusid mudan in taageerayaashooda ay sameyeen kaarkooda arooska jaceyl iyo xiiso ay u qabaan arooskooda aawgii.

Haddii aad heysato dad kujecel dabcan wey jiraan sido kale dad ku neceb waxaana dhacday maalmahan in war aan sal iyo raad toona laheen la faafiyo kaaso ah in xiriirka lamaanahan soo afjarmay safaraaradahana ay kala qaateen.

Dadka sheekadan soo qoray ayaa sheegen in Ranbir iyo Alia xiriirkooda dhamaaday xafladii Alia dhalashadeeda ahed ayeena isku dagaalen sida la sheegay xili ay sanad guuradeeda dhalasho u dabaal dageysay hab dhaqan qaldan ee Ranbir kukacay aawgii waxay go’aan ku gaaren inee labo wado kala maraan waa sida ay xanta qoreyso.

Ranbir horey waxuu u lumiyay ama u bur buriyay xiriiro atiriishooyin Alia ka horeyeen uu ka yeeshtay marnaba lama fileen in Alia uu si fudud ku fasaxi doono eaa hadii xantaan run noqoto laakiin sheekadan oodhan wax kama jiraan ayee ku tilmaameen saxaafada qaar.

Xaalka lamaanahan iyo xiriirkooda waa sidiisa ayaa sheegen dad ka akdhow iyaga arinkaana ay Internet-ka ku faafiyeen dad kasoo horjeedaan xiriirka lamaanahan ayagoo cadeymo ka dhigeeb muuqaal Alia Tik Tok galisay xili ay xaflada u dabaal dageysay ayagoo tilmaamen in xaalka dagan yahay.

Sido kale waxaa jiro sawir la faafiyay oo Ranbir daanka ka dhunkanaayo saaxiibtiis Alia Bhatt waxuuna sawirkaas cadeynayaa in lamaanahan xirirkooda wax dagaal ah soo dhex galin xafladii Alia Bhatt na si farxad leh kusoo idlaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here