Hadaladan cajiibka ah ee laga keeydiyay jilaagan Saif Ali Khan waa kuwa uu ku yiri aflaamta dhexdooda ama filimo uu jilaayey ayuu kudhex dhahay waana kuwa in badan wax badan laga faaidaayo maadama nolodha ay ka hadlayaan.

Bal hoos kaga bogo hadalada ugu caansan Saif Ali Khan ku hadlay iyo filim walba uu oraahdaas kudhahay oo lajiro:

1-Noloshu wey dheertahay balse waqtiga aan heysano wuu yaryahay (Hum Tum).

2-Isha inee fallaarta qabato ma ahan ee waa iney meesha Target-ka ah qabataa (Race 2).

3-Xabad in la rido uma baahno qorsho ee karti ayee u baahantahay (Bullet Raja)

4-Tartanka baabuurta darawalka ayaa ku guuleysto ee gaariga kuma guuleysto (Race).

5-Qosol badan oohin badan ayaa ka dambeyso marka qosolka yareeyso si oohinta dambe u yaraato.

6-Caqli badnaanta iyo howl karnimada cidna kuma dhalan mana la iska dhaxlo (Aarakshan).

7-Dadka ugu qalbiga adag ee qalbigooda dhagaxa ah xitaa jaceylka qalbiyadooda wuu ku milmaa (Main Khiladi To Anari).

8-Nolol farxad leh inaa ku nolaato hadii aad rabtid seddex sheey ayaad u baahantahay, Cunno wanaagsan, baabuur wanaagsan iyo gabbar wanaagsan (Na Tum Jaano Na Hum).

9-Xiriirka wada dhalasho kaliya kuma dhismo ee jaceylna wuu ku dhismaa (Thoda Pyaar Thoda Magic).

10-Guulesytaha rasmiga ah ee xili walba waa midka markii qofkale hormar gaaro ama guuleysto si niyad ah ugu farxo uguna hambalyeeyo qofkaas (Thoda Pyaar Thoda Magic).

11-mararka qaar qof aynan jecleen ayaan caawinaa waana sheeyga ugu wanaagsan bulshada dhexdeeda aan ka qabano (Thoda Pyaar Thoda Magic).

12-Qof ila dagaalamaayo inuu nafta idhaafiyo ayaa ka wanaagsan intaa qiyaanoole furad labaad siin lahaa uu igu qiyaano (Race).

13-Waligaa ma guuleysan sababto ah waxaad ka fikiri jirtay inaad ila tartanto anigana waligey ma guul dareysan sababto ah waxaan ka fikiri jiray sidaan ku guuleysan lahaa (Race).

14-Gabar dhoola cadeynteeda kaliya ayaa sabab u noqon karta xanuunka qalbiga ninka kudhaca (Love Aaj Kal).

15-Jaceylka dhabta ah marnaba qabyo ma noqdo maalin uun waa kii dhameestirmaa sababto ah nolosha aad ayee u dheertahay (Hum Tum).

16-Adiga faraska ayaad iibsatay si uu u guuleysto ana ninka wado ayaan iibsaday sidaas ayaana ku guuleystay (Race 2).

Dhamaad.

Soo codso Jilaaga labaad aad jeclaan laheed inaan oraahdiisa soo uruurino sido kalena nala wadaag number-ka aad ka heshay oraahyada Saif Ali Khan.

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here