Osman oo adeerkiis Dundar Bey dilay afkiisana ka qirtay iyo goos gooska cajiibka ah ee laga soo bandhigay xalqada 16aad taxanaha Kurulus Osman.

0
717

Taxanaha Kurulus Osman ayaa meel xiiso leh maraayo asigoona xalqadiisii 15aad dhacdooyin xiiso leh kusoo aragnay kadib dilkii Batur.

Hadaba sidaan wada ognahay xalqada ayaa ku istaagtay ayadoo Osman iyo kooxdiisa hareereeyeen Balgay iyo kooxdiisa balse Balgay waxaa usoo gurmaday Dundar oo doonayo inuu Osman dilo maadaama uu u maleeyo in wiilkiisa Batur uu Osman dilay.

Hadaba goos goos caawo lasoo bandhigay ayaa lagugu tusaa Osman oo Dundar xaaskiisa Zehra ku leh; Dundar wuxuu qiyaamay tolkiisa wuxuuna la saftay cadowgooda Balgay, hadii aad u maleyso in Osman uu faraha ka qaadayo qof tolka qiyaanay misna cadowga la saftay waad qaldantahay waxaana kuu cadeynayaa in Dundar Bey gacanteyda ku baxay misna aan aniga dilay maanta”.
Laguma tusaayo Osman oo dilaayo Dundar Bey oo adeerkiis ah balse asoo afkiisa ka qiranaayo ayaa lagu tusaa.

Run ahaantii Dundaar lhalad weyn ayuu sameeyay markii uu wiilka uu adeerka u yahay iyo islaamkaba khiyaanay lana saftay cadowga soo jireenka ee muslimiina (Maguulka) hadaba makula tahay inuu u qalmay dilkaas misna ku baxo gacmaha Osman Bey??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here