Home » Box Office » Padmaavat kaliya Baahubali ayaa ka ganacsi wacaan todobaadka 7-aad shanta ee ugu dambeesay!

Padmaavat kaliya Baahubali ayaa ka ganacsi wacaan todobaadka 7-aad shanta ee ugu dambeesay!

Waxaan horey idin kula wadaagnay in filimka Padmaavat uu ka mid noqday 10-ka filim ee isbuuca lixaad ganacsiga ugu wacan sameeyeen taariikh ahaan.

Balse Deepika, Shahid iyo Ranveer filimkooda Padmaavat intaas kuma hakanaayo madaama uu hadda todobaadkiisa 7-aad ganacsi taariikhi ah sameenayo wuxuuna hubaal keeni doonaa 2 Crore todobaadkiisa 7-aad.

Kaliya Baahubali 2 ayaa 5-sano ee ugu dambeesay ka ganacsi badnaan doono Padmaavat todobaadkiisa todobaad madaama Baahubali 2 uu keenay 2.46 Crore.

Baahubali 2 waa filimka kaliya ee 1 Crore iyo ka badan keenay todobaadkiisa 7-aad keenay shanta ee ugu dambeesay haatana darajadaas Padmaavat ayaa kula biiray waana arin taariikhi ah.

Padmaavat ganacsigiisa haatan wuxuu marayaa 281.50 Crore (Trade Figure) sidoo kalena filimkaan Blockbuster-ka ah wuxuu cimri ahaantiisa ku istaagi doonaa 283 Crore ilaa 284 Crore.

Fadlan hoos kaga bogo Padmaavat iyo todobaad walbo ganacsiga uu ilaa haatan sameeyay:

Todobaadka kowaad – 159.47 Crore

Todobaadka labaad – 66.93 Crore

Todobaadka sedexaad – 30.09 Crore

Todobaadka afaraad – 13.44 Crore

Todobaadka shanaad – 5.91 Crore

Todobaadka lixaad – 3.96 Crore

Todobaadka todobaad – 1.75 Crore (5-maalmood)

Wadarta Guud – 281.55 Crore (Trade Figure)