Home » Box Office » Padmaavat oo ku biiray liiska 10-ka filim todobaadka 6-aad ganacsiga ugu badan sameeyeen

Padmaavat oo ku biiray liiska 10-ka filim todobaadka 6-aad ganacsiga ugu badan sameeyeen

Filimka weyn Padmaavat wuxuu noqday Blockbuster sidoo kalena mashruucaan wuxuu ku biiray liiska 10-ka filim ee lacagaha ugu badan todobaadka lixaad soo xareeyeen.

Deepika Padukone, Shahid Kapoor iyo Ranveer Singh filimkooda Padmaavat darajo sare ayuu gaaray daawadayaasha qablbiga wuu ka xaday madaama uu todobaadkiisa lixaad keenay 3.96 Crore waa 4 Crore oo waxyar dhiman wuxuuna ka mid noqday filimada Hindiga ah ee 20-kii sano ugu dambeesay todobaadka lixaad ganacsi taariikhi ah sameeyeen.

Haddii Padmaavat Gujarat iyo Rajasthan laga daawan lahaa ganacsigiisa todobaadkiisa lixaad wuxuu gaari lahaa 4.75 Crore asigoo sidaas kaalinta 3-aad ku gali lahaa filimada todobaadka lixaad ugu lacagta badan kaliya Gadar iyo Baahubali 2 ayaa ka sareyn lahaayeen.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee lacagaha ugu badan todobaadka lixaad soo xareeyeen wuxuuna Padmaavat ka galay kaalinta 5-aad ayadoo guul taariikhi ay tahay midaan:

1. Gadar Ek Prem Katha (2001) – 6.08 Crore

 

 

2. Bahubali – The Conclusion (2017) – 5.38 Crore (Qaybta Af Hindiga lagu daawaday oo kaliya)

 

 

3. 3 Idiots (2009) – 4.36 Crore

 

 

4. Lage Raho Munnabhai (2006) – 4.15 Crore

 

 

5. Padmaavat (2018) – 3.96 Crore

 

 

6. Raja Hindustani (1996) – 3.21 Crore

 

 

7. Kuch Kuch Hota Hai (1998) – 3.08 Crore

 

 

8. Kabhi Khushi Kabhie Gham (2001) – 2.97 Crore

 

 

9. Taare Zameen Par (2007) – 2.95 Crore

 

 

10. Chak De India (2007) – 2.85 Crore