Home » Box Office » Padmaavat weli tiyaatarada kama dagan todobaadkiisa 9-aad ayuu ganacsi sameenayaa!

Padmaavat weli tiyaatarada kama dagan todobaadkiisa 9-aad ayuu ganacsi sameenayaa!

Filimka weyn Padmaavat ee hogaamiyaha ka yihiin Deepika Padukone, Ranveer Singh iyo Shahid Kapoor ayaa weli ganacsi sameenayo asigoo todobaadkiisa 9-aad guda galay waana arin naadir ah oo uu filim Blockbuster ah sidaan tiyaatarada ugu daaho.

Waxaa wax weyn ah in filimka Padmaavat uu todobaadkiisa 9-aad ka ganacsi badan yahay filimka weyn Bahubali – The conclusion wuxuuna ganacsi adag ka sameenayaa gobolka bartamaha Hindiya dhaco ee CI loo yaqaan.

Sida hadda muuqato filimka Padmaavat ganacsigiisa wuxuu ku istaagi doonaa 284 Crore inuu waxyar ku darsado wuxuuna ku darsan karaa 50 Lakh dheeraad ah ka hor inta uusan masraxa ka dagin.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Padmaavat ganacsiga uu sameeyay mudo 9-todobaad ah welina dhaq dhaqaaqiisa uu socdo:

Todobaadka kowaad – 159.47 Crore

Todobaadka labaad – 66.93 Crore

Todobaadka sedexaad – 30.09 Crore

Todobaadka afaraad – 13.44 Crore

Todobaadka shanaad – 5.91 Crore

Todobaadka lixaad – 3.96 Crore

Todobaadka todobaad – 2.32 Crore

Todobaadka sideedaad – 1.26 Crore

Todobaad sagaalaad – 50 Lakh (Mudo 5-maalmood)

Wadarta Guud – 283.69 Crore (Trade Figure)