Home » Box Office » Padmavaat oo ganacsi adag sameeyay Isniintiisa sedexaad kani Padman ayuu halis ku yahay

Padmavaat oo ganacsi adag sameeyay Isniintiisa sedexaad kani Padman ayuu halis ku yahay

Filimka weyn Padmavaat waxaa la islahaa todobaadkiisa sedexaad ganacsigiisa gaabis ayaa ku imaan doono madaama Padman tiyaatarada ku cusbaa.

Padmavaat ayaa keenay 3 Crore ilaa 3.25 Crore Isniintiisa sedexaad waana ganacsi adag.

Waxaa cajiib ah Padman Isniintiisa kowaad keenay 5.75 Crore halka Padmavaat Isniintiisa sedexaad keenay 3.25 Crore!

Padmavaat ganacsigiisa haatan wuxuu marayaa 245 Crore (Trade Figure) wuxuuna ku socdaa in 275 Crore ganacsigiisa cimri ahaan ku istaagi doono.

Filimkaan wuxuu noqday mid Hindiya oo dhan ka gadmaayo min tuulo ilaa magaalo waxaana lagu kalsoon yahay in 30 Crore uu keeno todobaadkiisa sedexaad oo kaliya.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Padmaavat ganacsiga uu ilaa haatan sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 159.47 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 64.75 Crore (Qiyaas)

Jimco sedexaad – 3.50 Crore (Qiyaas)

Sabti sedexaad – 6.25 Crore (Qiyaas)

Axad sedexaad – 8 Crore (Qiyaas)

Isniin sedexaad – 3.25 Crore (Qiyaas)

Todobaadka sedexaad – 21 Crore (Qiyaas)

Wadarta Guud – 242.22 Crore (Trade Figure) (Qiyaas)