Filimka PagalPanti ee la isugu keenay jilayaasha badan ayaa ganacsi liito sameeyay maalintiisii koowaad asigoona kaliya keenay 5 crore inkastoo filimkaan laga filaayay maalintiisa koowaad in ugu yaraan 7 crore uu keeno hadana taas ma aysan dhicin.

Ganacsiga uu filimkaan maalintiisa koowaad keenay waxay niyad jab ku noqon doontaa kooxda filimkaan waayo si uu tartanka ugu soo laabto maanta oo sabtid ah waxaa laga rabaa inuu labo jibaar lacagtii shalay keeno oo uu 10 crore soo xareeyo hadii kale tartanka kuma sii jiri doono.

Waa dhif iyo nadir in filim Comedy ah uu maalintiisa labaad soo xareeyo labo jibaar lacagtii uu maalintiisa koowaad sameeyay sidaas darteed waa wax aad u adag in filimkaan maanta sare ukac waali ah sameeyo si uu tartanka baaqi ugu sii ahaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here