Pagalpanti v Frozen II v Marjaavaan v Bala iyo sida filimadaan tiyaatarada India loogu qeybiyay.

0
1120

Bollywoodka todobaadkastaa waxaa la saaraa hal ilaa sadax filim oo kala duwan waana mid tiyaatarada yare e India ka dhigeyso ciriiri ba’an iyo in filimo sheeko wanaagsan misna la xiiseynaayo ay tiyaataro la’aan ganacsigooda dhulka u galo.

Isbuucii hore waxaa tiyaatarada India ku cusbaa filimada Marjaavaan iyo Motichoor Chaknachoor isbuucaana waxaa la saaray Pagalpanti iyo filimka Hollywoodka ee Frozen II ayadoo horay tiyaatarada u saarnaayeen filimada Bala iyo Housefull 4.

Hadaba sidee ayaa filimadaan tiyaatarada India loogu qeybiyay?

Pagalpanti waxaa la saaray 2900 ilaa 3000 oo tiyaatar waana filim Bollywood ah kaasoo jilayaal badan la isugu keenay oo ay kamid yihiin John Abraham, Anil Kapoor iyo Arshad Warsi filimkaan ayaana qaatay tiyaatarada ugu badan isbuucaan.

Frozen II waa filim Hollywood ah kaasoo tiyaatarada India ku cusub waxaana subaxaan la saaray tiyaatarada labaad ee ugu badan asgoo flimka Pagalpanti kaliya uu ka tiyaataro badanyahay wuxuuna filimkaan qaatay 1100 ilaa 1200 tiyaatar.

Filimka Marjaavaan oo sibuuciisii labaad ku gudo jiro ayaa isna la siiyay 700 ilaa 750 tiyaatar waxaana hoos loo dhigay in badan tiyaataradii uu isbuuciisa koowaad saarnaa.

Filimka Bala oo kaalinta 4aad ku jiro ayaa helay tiyaataro ku filan waliba asigoo isbuuciisii 3aad gudo galay ayuu helay 650 ilaa 700 tiyaatar waana arin u wanaagsan filimkaan oo ka caawin karto in ganacsigiisa sii wato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here