Filimka Pagalpanti ayaa 50% hoos u dhac sameeyay maalintii shalay aheyd (isniin) markii lala barbardhigo maalintiisii koowaad ee jimcaha aheyd taasoo uu keenay 5 crore.
Hoos u dhac ahaan filimkaan ma xuma balse arinta jirta ayaa waxay tahay in jimcadiisii koowaad lacag aad u liidato uu keenay 5 crore sabti iyo axadna uusan sare u kac wanaagsan suubinin .
Filimkaan ayaa isbuuciisa koowad haatan keeni doono 28 ilaa 29 crore waana lacago aad u yar ayadoo markii hore lagu waday in todobaadkiisa koowaad keeno qiyaastii 40 crore.
Halkaan hoose kaga bogo Pagalpanti iyo mudo 4 maalmood ganacsiga uu sameeyay;
Jimce; 5 crore.
Sabti; 6.25 crore.
Axad; 8.25 crore.
Isniin; 2.50 crore.
Wadarta guud; 22 crore.