Home » Nolosha Jilaayaasha » Pamela Anderson Oo Kahadashay Kiiska Dhibaatada Galmo Ee Lagusoo Eedeyay Ninka Lagu Magacaabo Harvey Weinstein!!

Pamela Anderson Oo Kahadashay Kiiska Dhibaatada Galmo Ee Lagusoo Eedeyay Ninka Lagu Magacaabo Harvey Weinstein!!

atiriishada lagu magacaabo Pamela Anderson ayaa soo jeedisay in Harvey Weinstein arinkaan lagu dacweeyo sido kalena ay markii dambe difaaceysay oraahdeeda ayna ku doodeysay in ay dumarka guubaabineyso.

Atiriishada filmka Baywatch ayaa muran dhexda ka gashay kadib markii ay maanta saxaafada hortooda kasoo muuqatay 50 jirtaani ayaa hadalkeeda kala dhigtay.

Waxayna tiri ayadoo hadleysa,”Tani ma ahan wax qof dhibane ah hadana eed dusha looga tuurayo (Harvey Weinstein ma heysti aniga) balse waxaan udigayaa oo aan guubaabinaay dumarka waa iney iska taxadiraan nafsadoodana difaacdan marka damac lala soo aado.”

Ugu dambeyn anderson ayaa hadalkeeda kusoo gabagabeysa in aysan wax raaligalin ah kabixineynin hadalkaas waxayna tiri,” tani ma ahan gabi ahaan wax la iska indho tiri karo, anigana raaligalin kama bixinaayo sababtoo ah dumarka ayaan la hadlayaa oo aan guubaabinayaa.”

ninka lagu magacaabo Harvey Weinstein ayaa lagu soo eedeyay inuu geestay galmo axmaq daro ah waliba si qasab ah sidaa awged waa kiis weyn oo ka taagan gudaha Hollywoodka.