Panipat oo hoobtay jimcadiisii labaad iyo filimkaan oo flop weyn noqday.

0
695

Filimka Panipat waxaan idinla wadaagnay in ganacsigiisa isbuucii koowaad uu ahaa mid aad u liito isla markaasna uusan xitaa u dhaweyn halkii laga filaayay kadib markii uu keenay kaliya 26 crore.

Filimkaan oo ay hogaamiyayaal ka yihiin Arjun Kapoor, Kriti Sanon iyo Sanjay Dutt ayaa isbuuciisii labaad dhulka soo taabtay asigoona maalintii shalay aheyd keenay kaliya 60 lakh wuxuuna sameeya 85% hoos u dhac ah.

In filimkaan hoos u dhacaas aadka u weyn sameeyo isbuuciisa labaad asigoona isbuuciisa koowaad dhulka ku jiray waxay lamacno tahay in filimkaan Box Officeka ku burburay cimr ahaantiisna uusan 30 crore dhaafi doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here