Panipat oo qarka u saaran inuu noqdo Biggest Flop iyo isniintiisa koowaad lacagaha uu keenay.

0
878

Filimka Panipat oo ay jilayaal ka yihiin Arjun Kapoor Kriti Sanon iyo Sanjey Dutt ayaa qarka u saaran inuu noqdo Biggest Flop 2019ka kadib markii uu isniintiisii koowaad keenay 2.50 crore wuxuuna sameeyay hoos u dhac 40% markii lala barbardhigo jimcadiisii koowaad.

Hoos u dhacaan wuxuu noqon lahaa mid la aqbali karo hadii uu jimcadiisa koowaad ganacsi wacan sameyn lahaa balse jimcadiisii koowaad ayuuba qaab liito ku furmay sidaas darteed filim miisaaniyadiisa tahay 80 crore in isnintiisa koowaad keeno 2.50 crore waa burbur.

Panipat ayaa haatan qarka u saaran inuu noqdo flopka ugu weyn sanadkaan 2019ka asigoona mudo 4 maalmood ah ku keenay 20 crore waxaana filimkaan dhulka la galay miisaaniyada culus ee uu xambaarsanyahay.

Halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 4 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 4 crore.

Sabtid; 6 crore.

Axad; 7.50 crore.

Isniin; 2.50 crore.

Wadarta guud; 20 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here