Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Juventus iyo qaranka Argentina Paulo Dybala ayaa ka dhawaajiyay in asiga iyo xaaskiisa uu haleelay caabuqa Corona Virus kaasoo dhawaanahaan si ba’an u faafayay.

Laacibkaan oo kamid ahaa xidigaha kooxda Juventus ee la karantiilay kadib markii qaar kamid ah xidigaha kooxdaasi laga helay Viruska ayaa ugu dambeyn la cadeeyay in asna uu Viruska wado inkastoo la sheegay in xaaladiisa ay hagaagsantahay.

Dhanka kale kooxda AC Milan ayaa ku dhawaajisay in halyeyga kooxdaasi iyo qaranka Italy ee Paolo Maldini iyo wiilkiisa ahna laacib kooxda ka tirsan haatan Daniel Maldini laga helay Corona Virus.

Waxaa marba marka kasii dambeyso sii kordhaayo xidigaha kubada cagta ka xamaasho ee Viruskaan uu ku dhacaayo ayadoona ay xusid mudantahay in dhamaan horyaalada yurub la hakiyay kadib faafidii Viruskaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here