Parineeti Chopra” Ma Maqli Qof Wax Xun Ka Sheegayo Arjun Kapoor Waan Dilaya Qofkas Hadaan Maqlo Isago Heysta Arjun”

Parineeti Chopra filmkedi u dambeyay waxuu ahaa Golmaal Again kaasi oo la daawaday sanadkii tagay 2017 waxuna noqday Blockbuster weyn.

Parineeti howsheeda intaas kuma eka nasiinana uma taalo waxay ka howl wadaa oo ay duubis kuwadaa filimkeeda xiga ee Sandeep Aur Pinky Faraar kaaso uu Arjun Kapoor la hogaaminaayo.

Parineeti ayaa saxaafada wareysi siisay waxayna xidigtaan cadeysay Arjun maqaamka uu nolosheda ka joogo iyo sida ay u qadariso.

“Arjun waa saaxiib qaali ah mana u dul qaadan karo wax xun isagoo laga sheegayo waan difaacaya oo waan la dagaalaya hadiia an arko qof wax ka sheegayo waa shaqsi aad iigu dhow misane wada shaqeyn naga dhaxeyso.”

“Xitaa xiliyada xafladaha dhalasho ee labada dhinac waqti wacan ayaan isla qaadana marka Arjun waa saaxiib qaali ah hadii aan arko ama aan maqlo wax  isaga dhibaayo waan is taagaya waana difaacaya ilaa aan  ka geeriyoodo.”