Atariishada Parineeti Chopra ayaa lamidoobeysa Director-ka dib-u-habeynta filmka The Girl On The train ee lagu magacaabo Ribhu Dasgupta.

Waxay qarka u saaran tahay inay matasho wakiil qarsoodi ah hawlgalka badbaadinta qarsoodiga ah ee wakiilada Hindiya lagusoo furanayo. Filimkan waxaa sidoo kale jilaya Rajit Kapur, Kay Kay Menon, Dibyendu Bhattacharya, iyo Hardy Sandhu, iyo kuwo kale.

Sida warbixinnada lagu sheegayo, filimka weli lama magacaabin si rasmi ah. Parineeti Chopra ayaa sheekadan ku jileysa wakiil qarsoodi ah iyada ayaana hogaamin doonta , Filimku sidoo kale wuxuu ku saabsan yahay aargoosiga iyo safarkeeda shaqsiyeed.

Qorshuhu waa in mashruuca laga shaqa bilaabaa Maarso 2021 lana daawado Seotember 2021. Kooxda sameeneysa waxay hadda ku hawlan yihiin helitaanka rukhsadda goobaha lugu duubayo iyadoo la raacayo tilmaamaha COVID-19

Filimka xiisaha leh ee aan wali cinwaan cusub loo bixin waxaa soo saari doona shirkadda Reliance Entertainment. Mashruuca weli si rasmi ah looma shaacin. Balse xog hordhac ah oo warbaahinta qaar heleen ayaa lafaafiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here