Atiriishada caanka ah Parineeti Chopra ayaa fikir ahaanteda ka hadashay atoorayaasha Bollywoodka iyo mid walba dabeecadihiisa gaarka ah qaar kamid ah ayeena magacaawday intii ay kuguda jirtay barnaamijka The Kapil Sharma Show qeybihii dambe 2019.

Pari ayaa la weydiiyay inee dabeecad ahaan kala tilmaamto atoorayaasha qaar kamid ah inta ay sida gaarka ah u taqaano waxayna durba lasoo booday,”hadii aad rabtid inaa ogaatid atooraha ugu fudeedka badan waa Ranver Singh tamar xad dhaaf ah ayuu muujiyaa waana atoore daal aan laga dareymin aadna u fudud.”

“Atooraha ugu dagan uguna aamusnaanta badan waa Ranbir Kapoor waan ogahay qaab jiliin marka la joogo inuu yahay midka ugi dhibka badan laakiin Ranbir xaflad usoo wado ama meelo kale marwalba waa kii meel fadhiista oo iska aamusnaada ma ahan dadka dadka dhex galaan oo kaftanka badan iyo foodada badan.”

“Atooraha ugu caafimaadka badan Mr.Akshay Kumar ayaa udoortay sababtana waa inuu iska ilaaliyo sigaarka iyo qamriga kuna dadaalo habeenkii xili hore inuu seezdo subaxiina xili hore soo kaco midkooda ugu shaxaarisan waa Sidharth Malhotra (kadib wey qososhay).”

Kapil Sharma oo wareysanaayey ayaa dhahay “maadama uu saaxiibkaa yahay Sidharth sidaa aawged isku haleen maa udhahday waa shaxaari” Parineeti ayaa kaliya qosol ugu jawaabtay waxna kama aysan dhihin suaashaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here