Parineeti Chopra oo ku dhaawacantay duubista filimkeeda cusub ee ay ku jileyso gabar cayaarto cayaarta Badminton.

0
764

Atariishada Parineeti Chopra ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay sawir iyadoo qoorta u duubantahay waxayna soo raacisay qoraal ay ku sheegeyso qaabka uu dhaawaca usoo gaaray.

Atariishadaan oo ku gudo jirto duubista filimkeeda cusub kaasoo ay ku matali doonto gabar cayaarto cayaarta loo yaqaano Badminton ayaa barteeda Twitterka qoraalkaan kusoo qortay;

“Aniga iyo kooxda filimka Saina waxaan dadaal ugu jirnay in uusan wax dhaawac ah isoo gaarin inta ay socoto duubista filimkaan balse dhaawacii wuu dhacay haatan waan yara nasan doonaa kahor intaanan markale dib u bilaabin duubista cayaarta Badminton”.

Parineeti Chopra ayaa filimkaan ku matali doonto gabar cayaarto cayaarta loo yaqaano Badminton waana filim looga hadlaayo gabadhii India u dhalatay ee Saina Nehwal taariikh nololeedkeedii iyo qaabkii ay bilada dahabka ugu soo hoysay India.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here