Home » Box Office » Parmanu jimcadiisa labaad iyo Raazi iyo jimcadiisa afaraad ganacsiga ay sameeyeen

Parmanu jimcadiisa labaad iyo Raazi iyo jimcadiisa afaraad ganacsiga ay sameeyeen

John Abraham filimkiisa Parmanu – A Story Of Pokhran ayaa si wacan isku celiyay Jimcadiisa labaad wuxuuna keenay 2.25 Crore (Trade Figure) taasi oo ka dhigan 55% hoos u dhac inuu sameeyay marka Jimcadiisii kowaad lala bar bar dhigo.

Parmanu ganacsigiisa shalay wuu sareyn lahaa balse waxaa caqabad ku noqdeen gobolada Waqooyiga filimada Veere Di Wedding iyo filimka Punjab-ka ah Carry On Jatta.

Parmanu waxaa la rajeynaa maal maha sabtiga iyo axada inuu sare u kac xoogan sameeyo madaama magaalooyinka waa weyn uu ganacsi ahaan ku xoogan yahay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Parmanu mudo 8-maalmood ganacsiga uu sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 34.50 Crore

Jimco labaad – 2.25 Crore

Wadarta Guud – 36.75 Crore (Trade Figure)

Filimka Raazi ee Alia Bhatt hogaamiye ka tahay ayaa hoos u dhac weyn sameeyay markii ugu horeesay madaama filimada masraxa ku cusub iyo kuwii hore si adag u gadmayaan.

Raazi ayaa keenay 1 Crore (Trade Figure) Jimcadiisa afaraad wuxuuna filimkaan weli heestaa fursad uu cimri ahaantiisa ku gaari karo 120 Crore ilaa 122 Crore.

Fadlan hoos kaga bogo Raazi iyo ganacsiga uu ilaa haatan sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 56.18 Crore

Todobaadka labaad – 34.46 Crore

Todobaadka sedexaad – 18 Crore

Jimco afaraad – 1 Crore

Wadarta Guud – 109.64 Crore (Trade Figure)