Pati Patni Aur Woh iyo arbacadiisa koowaad ganacsiga uu sameeyay

0
800

Filimka Pati Patni Aur Woh ayaa ganacsigiisa wanaagsanaa halkiisa kasii wato wuxuuna filimkaan shalay oo arbaco aheyd keenay 4 crore wuxuuna haatan wadartiisa guud marayaa 47.50 crore.

Filimkaan ayaa la filayaa in isbuciisa koowaad uu soo xareeyo qiyaastii 51 crore mana gaari doono lacagihii uu isbuuciisa koowaad keenay filimka Luka Chuppi kaasoo soo xareeyay 53 crore waxaana ugu wacan in filimka Luka Chuppi uu isniintiisa koowaad fasax qaran helay.

PPAW haatan tijaabadii koowaad ee isbuuca koowaad wuu ka gudbay waxaana u hartay tijaabadii labaad iyo isbuuciisa labaad qaabka uu isku celiyo waxaana kala cadaan doonto filimkaan guushiisa halka ay hiigsan doonto isbuuciisa labaad.

Halkaan hoose kaga bogo PPAW iyo mudo 5 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 8.50 crore.

Sabti; 11.50 crore.

Axad; 13.50 crore.

Isniin; 5.25 crore.

Talaado; 4.75 crore.

Arbaco; 4 crore.

Wdarta guud; 47.50 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here