Mashruuca Pati Patni Aur Who ayaa todobaadkiisa kowaad sameeyay ganacsi heer sare ah waxuuna keenay 51.25 Crore (Trade Figure) balse todobaadkiisa labaad cadaadis weyn iyo tiyaataro yar ayuu la kulmi doonaa waxaana ugu wacan in Dabangg 3 la daawan doono tiyaatarada badankoodana uu la wareegi doono.

Inkasto uu todobaadkiisa kowaad ganacsi fiican sameeyay hadana uma muuqato inuu dhaafi doono ganacsiga Luka Chuppi cimri ahaantiisa keenay balse hadii maanta oo jimco ah uu si adag isku celiyo ganacsi adana sameeyo markaas Luka Chuppi sida lagu dhaafo ama lagu soo qabto wey sahlanaan doontaa.

Pati Patni Aur Woh ganacsigiisa ugu fiican wuxuu ka sameeyay Delhi oo reer magaalka ayaa si weyn usoo dhaweyeen iyo reer waqooyi dhanka kale waxaa looga fadhiyaa in Mumbai iyo suuqyadeeda ku hareeresan uu iskoor ka dhigo fadlan hoos kaga bogo hal todobaad iyo ganacsiga Pati Patni Aur Woh uu gudaha India ka sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Jimco: 8.50 Crore

Sabti: 11.50 Crore

Axad: 13.50 Crore

Isniin: 5.25 Crore

Talaado: 4.75 Crore

Arbaco: 4 Crore

Khamiis: 3.75 Crore

Wadarta Guud: 51.25 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here