Pati Patni Aur Woh oo qarka u saaran inuu Hit noqdo iyo ganacsiga uu sameeyay isniintiisa koowaad.

0
807

Filimka Pati Patni Aur Woh oo uu hogaamiye kayahay jilaaga dhalinta yare e Aryan Khan ayaa isniintiisii koowaad si adag isku celiyay wuxuuna keenay 5.25 crore waana ganacsi heer sare.

Pati patni ayaa sameeyay 40% hoos u dhac maalintii shalay aheyd markii lala barbardhigo isniintiisa koowaad asigoona lamid ah filimka Panibat oo isna 40% hoos u dhac sameeyay balse farqiga wuxuu yahay in Panibat maalintiisa koowaad keenay 4 crore halka Pati Patni asna maalintiisa koowaad keenay labo jibaar lacagtaas mid kabadan 8.50 crore.

Filimkaan ayaa haatan mudo 4 maalmood wuxuu ganacsigiisa marayaa 38.75 crore asigoona todobaadkiisa koowaad ka sare mari doono 50 crore wuxuuna gacanta ku heystaa todobaad kale kahor inta aanan tiyaatarada loo baneynin filimka weyn ee Dabanagg 3.

Qaabka uu haatan filimkaan ku socdo waxay u xaqiijineysaa inuu noqon doono Hit dhameystiran isla markaasna daawadayaasha aad uga heleen fariintiisa.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 4 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 8.50 crore.

Sabti; 11.50 crore.

Axad; 13.50 crore.

Isniin; 5.25 crore.

Wadarta guud; 38.75 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here