Kartik Aryan Filimkiisa Pati Patni Aur Woh ayaa kudhow inuu tiyaatarada isaga dago waxuuna cimri ahaantiisa ku istaagi doonaa 80 Crore isagoo waxyar kudarsan doono mashruucan ayaana ka faaideystaya fasaxii sanadka cusub ahaa inkastoo loolan adag uu kala kulmay Filimka Dabangg 3.
Mashruucan ma gaari doono ganacsiga Filimkada Sonu Ke Titu Ki Sweety (101 Crore) iyo Luka Chuppi (88 Crore) labadaba waxaa hogaamiye ka ahaa Kartik Aryan balse 80 Crore waxbuu ku darsan doonaa ilaa 3 crore kahor inta aan jimcada tiyaatarada laga dajinin.
Dhanka kale waxuu noqday Filimka 20-aad ee Bollywoodka sameyeen misane lacagaha ugu badan keenay 2019 dhinacaha gudaha India halka iskudarka gudaha India iyo daafaha caalamka wadar ahaan noqon doono 109 Crore sida la filaayo hoos kaga bogo mashruucan iyo 5 todobaad ganacsigiisa:
Todobaadka Kowaad: 51.35 Crore
Todobaadka Labaad: 19.78 Crore
Todobaadka Seddexaad: 6.90 Crore
Todobaadka Afaraad: 1.97 Crore
Todobaadka Shanaad: 25 Lakh (3 maalmood)
Wadarta Guud: 80.25 Crore (Trade Figure)